Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in Xukuumadda la Ansixiyo

27 marso 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Soomaaliya in aysan is hor-taag ku sameyn Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

234-6b7

Madaxweyne Farmaajo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho uu ku tagay dalka Kenya ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan ansixinta Xukuumadda iyo cabashada ay ka keeneen illaa 105 Xildhibaan oo doonaya in wax ka bedel lagu sameeyo, lana saxo awood qeybsiga.

Farmaajo ayaa wareysi uu siiyay wakaalada wararka ee Soomaaliyeed ee SONNA sheegay inuu isagu taageeray Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagoo tilmaamay xubanah la magacaabay ay yihiin dad aqoonyahano ah, khibradna u leeyihiin shaqada, ayna ku jiraan dad horay u soo shaqeeyay.

“Waxaa ka codsanayaa xubnaha Baarlamanaka sharafta leh, in aysanis hor-taagin oo ay taageeraan, ayna ansixiyaan, kaddibna la xisaabtantaan, hadii dhaliilo ay timaado markaas in la sugo oo aan laga hordhicin”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aan durbaba dhaliilo lagala hor-dhicin Xukuumaddan, isla amrkaana ay muhiim tahay, marka ay shaqada galaan lala xisaabtamo, isagoo xusay inuu aaminsan yahay in la ansixin doono.

Waxaa uu tilmaamay in Xukuumaddan cusub ay tahay mid wanaagsan, ayna arki doonaan wixii ay qabato, lana siiyo waqti lagu arko waxqabadkooda, isagoo ugu baaqay shacabka inay taageeraan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa Sabtidii la soo dhaafay warqad u qoray Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ka dalbaday in wax ka bedel lagu sameeyo Golaha Wasiirada, si loo saxo qaabka awood qeybsiga, waxaana qoraalka uu u diray Ra’iisul Wasaaraha ku lifaaqnaa qaraar soo jeedin ah oo ka timid illaa 105 Xildhibaan.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre 21-kii bishan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la hor-geeyo, iyadoo qorshuhu yahay, iyadoo aan wax ka bedel lagu sameyn Ra’iisul Wasaaruhu hor-geeyo Baarlamaanka.

Puntlandes.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

About The Author