Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulan la Qaatay Nabadoonadda Gobolka Nugaal

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 26 March 2017 kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Magaalada Garoowe Nabadoonada, Cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Nugaal, kulanka ayaa waxaa lagaga arrin sanayey arrimo Laxiriira Amaanka gobolka, isxog waraysi iyo sidii ay wadashaqaynta u dhexeysey Dawladda iyo Nabadoonada gobolkasi loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha ayaa Nabadoona gobolka Nugaal ku amaanay sida ay markasta uga shaqeeyaan ilaalinta iyo xasiloonida gobolka, taas oo sahashay in si wadda jira lo xaliyo caqabad kasta oo timaadda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in Nabadoonada, cuqaasha iyo waxgaradka gobolku ay yihiin hormuudka iyo hogaanka guud ahaan Dawladda iyo gaarhaan Gobolka Nugaal, lagama-maarmaana ay tahay in talo wadaag lala sameeyo si wax walba oo soo kordha loogu xaliyo si nabada.

Dhinaca kale, Nabadoona, Cuqaasha iyo waxgaraka gobolka Nugaal ayaa dhankooda shaagay inay diyaar u yihiin wada shaqaynta dhaw ee ay la leeyihiin dawladda taas oo ay ku jiro masiirka ummada Puntland, isla mar’ahantaana waxa ay balan qaadeen inay sii dardar gelindoonaan isu garabsiga caqabad walba oo timaada xalinteeda, si aanay Puntland uga hakan dhabada horumarka ee ay cagta saartay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey Nabadoona  inay markasta u heelanadaan meel marinta iyo ka meel gaarida wax kasta oo dan u ah Amniga iyo horumarka Caasimadda oo ay kow ka tahay nabada, xasiloonida, kala danbaynta ay ku caanbaxday Puntland, isla markaana ay taasi ku jirto sharafta iyo karaamada shacabka Puntland.

IMG_9532IMG_9533IMG_9535IMG_9537IMG_9538IMG_9539IMG_9540IMG_9541IMG_9542IMG_9545IMG_9546IMG_9555IMG_9559

Puntlandes.com

About The Author