Daawo Video-Sawirro: Ra’iisal Wasaarah oo xariga ka jaray waddo loogu magac daray Dr. Kadare

27 marso 2017 (Puntlandes) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta furay waddo laami ah oo maamulka gobolka Banaadir uu dib u dayactir ku sameeyey, taasoo loogu magac daray Dr. Xuseen Sheekh Axmad (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahanada udub dhexaadka u ahaa dhaqanka iyo afka Soomaaliga.

234-6b8

Guddoomiyaha gobolka Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay munaasabada xarig jarka waddadan ayaa xusay in kharashka lagu dhisay waddadan ay iska soo aruuriyeen maamulka gobolka iyo ganacsatada gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee gartay inay jeebkooda ka dhisaan qeybo ka mid ah dalka, ayna tahay wax lagu faano in dadka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay dib u dhistaan goobihii ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

“Waxaan isugu nimid inaan furno maanta waddo ay dhisteen oo furteen shacabka Soomaaaliyeed, kharshadkoodana ay iyagu bixiyeen, qiimo gaar ah ayay noo leedahay, waxayna muujineysaa in shacabku garteen in aysan jirin cid u maqan oo ay isku haleeyaan, balse ay iyagu gacmaha is qabsadaan dibna u dhistaan dalkooda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Waddadan loogau magac daray aqoonyahan Dr. Kadare ayaa horey loo oran jirey Bandar Qaasim taas oo isku xirta degmooyinka C/casiis iyo Kaaraan ee gobolka Baanadir.

About The Author