Dhagayso: VOA & Falastiin Axmed Iimaan oo banaanka usoo saaray Cadaawadii ay Shacabka & dawlada Puntland u hayeen!!!

27 marso 2017 (Puntlandes) Idaacadda VOA qaybteeda Af-somaliga oo ay leedahay dawlada Maraykanka ayna gacanta ku hayaan shaqsiyaad aan wali ka buskoon Colaadii Sokeeye ee Soomaalida soo martay sida caadada u ah, maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxay leedahay “Nabar aad sugaysay naxdin ma leh” muddo dheer baanu si dhow ula soconay markii ay shaqsiyaadkaasi hadba geed isku soo quminayeen., iyagoo maanta si qaawanaa banaanka isku keenay.

234-6b9

Idaacadan oo Shaqsiyaadka ka sahaqeeyaa ay caadaysatay BEEN ka sheegida, warxuma tashiilnimada, iska horkeenida shacabka, Abuurid xaalad aan jirin iyo isku dayida foosha xun ee ay ku daaban tahay cadawnimadu soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Doqoni meeshii lagu diriray ogayde meeshii lagu heshiiyey ma oga”, waxaase nasiib wanaag ah inay shacabka reer Puntland ka koran yihiin Caqliga Falastiin Axmed Iimaan ay lasoo shir tagtay.

Falastiin Puntland waxa ka jira waxba kama ogaan karto, maantana magaalooyinka waawayn ee Puntland waa looga qoslayaa hadalada caatada ah ee aadka u raqiiska ah ee kasoo butaacaya Falastiin.

Idaacadda VOA qaybteeda Af-somaliga ayaa maanta waxay baahisay Barnaamij ay ugu magac dartay: Warbixin: Caqabadaha Dhaqaale ee ka Jira Somalia, kaasoo soconaya muddo ah 14 daqiiqo iyo 10 seken  bal oos ilaga dhagayso waxa ay ku hadlayso Falastiin, ma idiin la eg tahay wixii Yuusuf Garaad BBC ku qaribay oo keentay in ummadda Soomaaliyeed ka xiiso dhacdo idaacadaas.

Qaar ka mida dadwaeynaha ku nool magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland oo ay Warbaahinta Puntlandes wax ka wadiisay siday u arkaar Barnaamijka Falastiin ayaa waxay ku jawaabeen “Boowe Aa la thay” hadalkaasoo xigmad wayn xambaarsan.

Waxaanse kusoo gababaynaynaa maqaalkan Qorax sacab laguma qarin karee VOA uumadda ha nacsiin.

Nala daawada heestii “ARLIGAYGOOW” ee uu ku luuqeeyey AUN Maxamuud Ciise Timojilic

Puntlandes.com

About The Author