Daawo Barnaamij ku saabsan Waxqabadka Hay’adda PSAWEN ee dawladda Puntland (Warbixin)

30 marso 2017 (Puntlandes) Hay’adda Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland ee loo soo gaabiyo PSAWEN oo shaqadeedu tahay inay horumariso Biyaha iyo Tamarta ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1999kii.

234-6c4

Xukuumadda Dr Cabdiweli & waxqabadka Hay’adda PSAWEN

Mudadii 3da sanno ahayd ee uu Dr Cabdiweli Maxamed cali Gaas madaxweynaha ka ahaa Puntland ayaa waxqabadka Hay’adda PSAWEN waxa uu gaaray meel uusan gaarin intii ay jirtay.

Waxaa taas sabab u ah Siyaasadda Dawaladda Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Dr Gaas oo balanqaadkeedii ama barnaamijkeedii uu ka mid ahaa ”Hal Ceel iyo hal Jid” oo micnaheedu yahay meelkasta oo Puntland ka mid ah inay hesho hal Ceel iyo hal wado, maxaa yeelay Biyaha iyo wadadu waa horumarka nolosha aadanaha.

1

Dr Gaas oo xilka madaxweynaha Puntland la wareegay 8 jan 2017ayaa isla sanadkaas 2014 waxay Hay’adda PSAWEN ka qoday Puntland 17 Ceel oo ay ka kala qoday:

Gobolka Mudug 9 Ceel: oo laga kala qoday Gaalkacyo, Galdogob iyo Xarfo.

  • Gobolada Sool iyo Cayn 3 Ceel: oo laga kala qoday Laascaanood, Widhwidh iyo Horufadhi
  • Gobolada Karkaar, Bari iyo Sanaag 4 Ceel: oo laga kala qoday Qardho, Badhan iyo Carmo
  • Sanadkaas 2015 waxay Hay’adda PSAWEN ka qoday Puntland 18 Ceel oo ay ka kala qoday:
  • Gobolka Mudug 7 Ceel: oo laga kala qoday Magaalooyinka Gaaalkacyo iyo Galdogob.
  • Gobolada Karkaar, Bari iyo Haylaan 4 Ceel: oo laga kala qoday Dhahar, Bosaso, Ufayn iyo Waaciye.
  • Gobolka Sool 4 Ceel: oo laga kala qoday Tukaraq, Taleex iyo Boocame.
  • Gobolka Nugaal 3 Ceel: oo laga kala qoday Buurtintle iyo Garowe

Sanadkaas 2016 waxay Hay’adda PSAWEN ka qoday Puntland 25 Ceel Biyood taasoo ah koro gaaray 40% marka loo eego sanadkii ka horeeyey. Waxaana laga hirgeliyey 8 Gobol oo kala ah Bari, Mudug, Sanaag, Sool, Karkaar, Nugaal, Haylaan iyo Cayn iyadoo laga kala qoday:

  • Gobolada Haylaan iyo Sanaag 6 Ceel Biyood: oo laga kala qoday Badhan, Fiqifuliye, Laasqoray iyo Dhahar.
  • Gobolada Karkaar iyo Bari 5 Ceel Biyood: oo laga kala qoday IskuShuban, Bayla, Waaciya iyo Qardho.
  • Gobolada Sool iyo Cayn 3 Ceel: oo laga kala qoday Buuhoodle iyo Laascaano.
  • Gobolka Nugaal 3 Ceel: oo laga kala qoday Godobjiiraan iyo Jalam
  • Gobolka Mudug 8 Ceel: oo laga kala qoday Towfiiq, Galdogob iyo Gaalkacyo.

Dhanka kale waxaa jira 10 Ceel oo dherer aad u dheer hoos loo qoday oo laga waayey Biyo.

Ceelasha Qodidoodu socoto

Waxay Hay’adu iminka wadaa qodida 10 Ceel Biyood oo ay ka qodayso:

  • Bari, Karkaar iyo Gardefuu 4 Ceel Biyood ayaa qodi doodu sacotaa iminka
  • Gobolada Sool iyo Cayn 3 Ceel ayaa qodi doodu sacotaa iminka.
  • Haylaan 1 Ceel Biyood ayaa qodi doodu sacotaa iminka
  • Nugaal 1 Ceel Biyood ayaa qodi doodu sacotaa iminka

Dayactirka Ceelasha Puntland

Hay’addu waxay 3dii sano ee lasoo dhaafay dib u Dayactir ku samaysay 114 Ceel Biyood oo ku yaala Puntland.

Dhanka kale Hay’addu waxay Biyogelin ka hirgelisay magaalooyin iyo Deegaano badan oo ku yaala Puntland.

Daawo Barnaamij ku saabsan Waxqabadka Hay’adda PSAWEN ee dawladda Puntland

Puntlandes.com

About The Author