Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyadda Soomaaliya

30 marso 2017 (Puntlandes) Madaafiic lagu weeray Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ku dhacay hareeraheeda , iyadoo aysan ahaynmarkii koowaad oo Madaxtooyada Madaafiic lagu weeraro, tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu xafiiska la wareegay.

234-6c6

Illaa saddex madfac ay ku soo dhaceen xaafado ku yaal dhabarka dambe ee Madaxtooyada. Ma cada khasaaraha ka dhashay madaafiicda hase ahaatee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu jiro dhaawac ay Madaafiicdaasi sababeen.

Xilliga Madaafiicda soo dhacayeen ayaa waxaa Xarunta Madaxtooyada ka socday shir ay lahaayeen Golaha Wasiirada.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda, iyadoo maalmahan magaalada Muqdisho ku soo badanayay weerarada, dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay geystaan Kooxda Alshabaab.

Puntlandes.com

About The Author