Dhegeyso: Madaxweynaha Puntland oo golaha 88 uga warramay arrimaha Doorashada & Mashaariicda Horumarineed ee Puntland

1 Abril 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo golaha 88 waraysi dheer siiyey ayaa ka warbixiyey Doorashada la filayo inay Puntland ka dhacdo& Mashaariicda Horumarineed ee Puntland dhawaan ka bilaaban doona.
234-5b4a
Ugu horayn madaxweyne Gaas ayaa rajo aad u fiican ka muujiyey inay dhawaan heshiis lagu balaarinayo Dekedda Bosaso kala saxiixan doonaan Puntland iyo shirkadda DP ee dalka UAE. Waxaa kale oo madaxweynuhu faahfaahiyey Heshiis ay Puntland la gashay shirkadda CCECC oo lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo iyo wado laami ah oo isku xirta Eyl iyo Garowe, isagoo sheegay inay Puntland uga bedalatay qayb ka mid ah Khayraadkeeda sida Kalluunka, Macdanta, Gaas, Oil iwm.

Dr Gaas ayaa si cad u sheegay in golaha wasiiradda Puntland la marin doono kadibna Baarlamaanka Puntland la hor gayn doono Heshiiska Shirkadda CCECC iyo haddii ay heshiis galaan Shirkadda DP, waxaa xusid mudan in Khamiistii oo ay bisha marso ahayd 30ka ay golaha wasiiradda Puntland ansixiyeen Heshiiska Puntland iyo Shirkadda CCECC .

Dhagayso waraysiga uu madaxweyne Dr Gaas siiyey golaha 88


Puntlandes.com

About The Author