Daawo Video: Gudoomiye Jawaari ”mudane RW waxaan sugaynay sidii aan kuugu beegnay inaad noogu beegto, Baastadu caawa Farmaajo ma lahayn”

1 Abril 2017 (Puntlandes) Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka JFS  Jawaari o oka hadlayey Casho sharaf uu Raysul wasaaraha Soomaaliya u saameeyey Xildhibaanda Golaha Shacabka kadib ansixintii Xukuumaddiisa ayaa magaca madaxweynaha ”Farmaajo” u isticmaalay si khalad ah.
233-4c9
Gudoomiye Jawaari ayaa u isticmaalay magaca ”Farmaajo” wax la mid ah laaluush isagoo u yiri sidaan ”mudane Raysul Wasaare waxaan sugaynay sidii aanu kuugu beegnay inaad noogu beegto, Baastadu caawo Farmaajo ma lahayn,,, haddii Mafaatiixdii lagaala tagay noo sheeg…”

Gudoomiye Jawaari oo aan ka fiirsanayn waxa uu leeyahay ayaa uu kusii daray su’aal uu ku waydiiyey Raysul wasaaraha oo uu ku yiri noo sheeg haddii lagaala tagay Furayaashii oo uu ula jeeday in madaxweyne Farmaajo kala tagay.
Daawo Muuqaalka Jawaari

Puntlandes.com

About The Author