Isbadalka Maamulka magaalo oo xawaare ku socda iyo Maareeyayaal Cusub oo la magacaabay.

Wareegto cusub oo kasoo baxday Madaxtooyada Villa Soomaalya, ayaa waxaa lagu magacaabay Mareeyayaal iyo ku xigeenka NISA.

Mareeyihiii hore ee Dakedda Muqdisho Mr.C/llaahi Cali Nuur yaa waxaa lagu badala maareeye cusub oo loosoo magacaabay Axmed Washington.

Waxaa kale oo la magacaabay mareeyaha Garoonka Diyaarada Aden Cadde, oo loo magacaabay Yuusuf Cabdui Cabdulle (Jaale).

Ciidanka Nabad suggidda soomaaliya oo maanta loo magacaabay taliye guud, ayaa galabta waxaa marlabaad loo magacaabaay taliye ku xigeenka NISA, kaas lagu magacaabo C/fataax Shaaweeye.

Isku shaan dhaynta ayaa imaanaysa xili uu khal khal amaan oo xoog ka jiro magaalada Muqdisho, Arinkaan ayaa la filayaa in uu caawiyo ciidanka Qalbka sida sidii ay guul uga gaari lahaayeen, Dagaalkii Al-shabaab ee uu madaxweynuhu Iclaamiyey maanta.

 

About The Author