Xaaladda Abaaaraha Gobolka Mudug iyo Gurmadyada Dhuun qayntaa (War bixin +Sawirro)

Gobolka Mudug waxaa uu haatan ku jiraa Xaalad aad u adag, Inkasta oo ay bilaabatay Raxmaddii Alle, misana wali xaaladda Gobolku waxaa ay ku jirtaa meeshii ugu adkayd.

Dagmada saaxo oo kamid ah dagmooyinka sida buuxda ugu tiirsan reer guuraaga, waxaa ay haatan maraysaa meel aad u adag, waxaa ka dilaacay Xanuunka shuban biyoodka, oo ay usoodheceen tiro caruur ah, waxaana ka jirta biyo la’aan xoolaha iyo dadka isku si u aafaysay.

Magaaladda Gaalkacyo waxaa ka socda dadaalo ay wadaan dad badan, kuwaas oo isugu jira Gurmad dag dag ah, oo ay wadaan gudiyaal Dhalinyaro ah iyo Kuwo Culimada Ehlu-sunna Wal Jameeca ah, waxaa kale oo isna jira Gudiga Abaaraha Gobolka Mudug, oo qorshe guud ka leh gobolka, uuna shir gudoominayo gudoomiyaha Gobolka Mudug, waxaana ay matalayaan dhamaan Gobolka Mudug, Halka gudiyada kale ay ka jawaabayaan xaladaha dag dagaa, ee Dagmada Gaalkacyo iyo Dagmooyinka ku xeeran ee dhow dhow, si hoos loogu dhigo dadka ay abaartu halakaysay, ee heerka xun gaaraya.

Gudiyadaas haatan waxaa kusoo biiray, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jaamac Tigay, oo isaguna ku hawlan shaqada samafalka.

Gudiyada xaaladda dag dagaa waxaa qayb ka ah, gudoomiyaha Dagmada Gaalkacyo, Maxamud Yaasin Tumay Xoga hayaha D/hoose iyo qaal xildhibaanada kamid ah, waxaana haatan socota Daawooyin raashin iyo biyo dhaamis aan Wada gaarin dadka balse kuwa liita la gaarsiinayo goobaha Qaarkood.

Xaaladdaha ayaa sii cuslaaday markii magaalooyinka Qaarkood lagu arka xanuunka Shubanaka, oo laha qaarkood aan laxaqiijin nooca uu yahay.

Sawirro.

17523577_10211518019962666_5237792725304742477_n 17757640_10211518063043743_2629006997805495236_n 17795961_10211518065803812_342838996850081561_n 17795965_10211518066643833_764419818460021218_n 17796053_10211518063403752_4361197653311911195_n 17796231_10211518066203822_8637021238126252935_n

About The Author