Sawirro: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarada & Hay’adda Care Int. oo Mashruca H. Bursalax ku wareejinaya maanta Kolejka cusub ee gabdhaha ee Bursalax

11 April (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee dawladda Puntland Prof: Abshir Yuusuf Aw Ciise ayna mid yihiin Agaasimaha Guud ee wasaaradaas mudane Maxamed Cabdiqaadir iyo wafdi kacda Hay’ada Care International oo maalgelisaymashruuca ayaa waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 11 Aperil 2017 xariga ka jari doonaan Hoyga Jiifka, Kolejka Gabdhaha ee Bursaalax.

Madaxa Hay’ada Care International ee Soomaaliya iyo madaxa Puntland ayaaa wafdiga ka mid ah waxaa kaloo wafdiga Gobolka Mudug uga biiraya wafdi uu hogoominayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug mudane Xasan Maxamed Khaliif Abgaaloow uuna ka mid yahay Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug Mudane Bashir Axmed Khalaf.

Munaasabadda maanta ayaa waxay tahay mid lagu wareejinta Dhismiha Hoyga Jiifka Kolejka Gabdhaha Ee Bursaalax Mashruuca Horumarinta Bursaalax, iyadoo lagu marti qaaday oo kasoo qayb geli doona marti sharaf kala duwan.

Dhismahan Bursaalax laga Hirgeliyey ayaa ah Hoyga ugu wayn Soomaaliya ee Gabdhaha, waxaana loo qalabeeyey si casri.

Kolejka Gabdhaha ee Bursaalax oo ayaa dhawaan la dhamaystiray dhismihiisa isagoo loo adhameeyey dhamaan qabalka iyo agabyadii uu u baahnaa.

Dhismaha Kolejka Gabdhaha ayaa waxaa la dhagax dhigay 21 okt. 2016, waxaana dhagax dhigay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee dawladda Puntland Dr Mohamed Ali Farah, hoos ka daawo muuqaal iyo sawirro markii la dhagax dhigayey.

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee dawladda Puntland oo ka duulaysa siyaasadda ku salaysan horumarinta Puntland ee madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiweli mxamed Cali Gaas ayaa waxay dadaal xoogan u gashay sidii ay Puntland ku heli lahayn Kolej aad u wayn oo u gaar ah Gabdhaha Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba, iyadoo ku guulaysatay kana dhistay magaalada Bursaalax oo caan ku ah ka shaqaynta horumarka.

Daawo Video-SAWIRRO: Bursaalax oo Wasaarada Waxbarasha Puntland ay ka Dhagax Dhigtay Kuleej Gabdho

Faahfaahin iyo munaasabadda kala soco Warbaahinta Puntlandes

Daawo sawiradda Kolejka Gabdhaha
1

2

3

4

5

6

7
Puntlandes.com

About The Author