Kooxo isaga Baxay koobka horyaalka Kubbadda cagta Puntland (Akhriso)

3 kooxood oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee Puntland, ayaa waxaa ay ka bexeen horyaalka.

War saxaafadeed ay kooxuhu soosaareen, waxaa ay ku sheegeen in ay jirto cadaaladda darro aan loo kala harain oo taabatay dhinacyo badan oo dhinac kasta gaartay.

 

 

 

Tr/date: April, 11, 2017

 

Ku: Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland                                                                  Garoowe

Ku: Agaasimaha Dhaliyarada iyo ciyaarah Puntland                                           Garoowe

Ku: Wasiirka Wasaaradda Sh, Sh, Dh iyo Ciyaarah Puntland                              Garoowe

Og: Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya                                                              Fadhigooda

Og: Gudoomiyaha dhalinyarada iyo Ciyaarah G.Mudug                                       Gaalkacyo

Og: Gudoomiyaha Gobolka Mudug                                                                         Gaalkacyo

Og: Gudoomiyaha Dagamada Gaalkacyo                                                               Gaalkacyo

Ujeedo: War galin.

Anagoo ah kooxaha heerka koowaad ee Puntland oo kala ah, Comed Fc, Hombobor Fc iyo Somtel Fc, anaga oo tix galinaya xeerka uyaal koobka Horyaalka Puntland, sidoo kalana ilaalinaya Nidaamka Koobka, waxaan gaareen Go’aan.

Kadib markii ay arkeen sida loogu tuntay Xeerkii u yaalay Koobka ee ay saxiixeen kooxuhu, iyada oo looggu danaynayo koox gooni ah, waxaana la jabiyey Qodobadaan

 Qodobka 6aa:- Farqadda F iyo H , Qodobka 14aad – Diidid Ciyaar: dhamaan Farqadihiisa, Qodobka 20 aad: Dhamaantiis, Qodobka 26aad: Farqadihiisa B iyo Kh

Qodobka 27aad: Far qadihiisa T iyo J, Qodobka 29aad: Farqadda B tirsiga iii, Qodobka 30 aad iyo Qodobka 31 aad

Kadib markii ay arkeen sida loogu tuntay  dhamaan xuquuqdiiay lahaayeen 3 kooxood ee Gobolka Mudug.

kadib markii ay usoo baxday Gaashaan buur isku xiran oo u olo olaynaysa hal Kooxo gooni ah, kuwaas oo kala ah, Wasiirka C/raxmaan Shiikhn, Agaasime Axmed Tigaana,  Gudoomiye xigeenka XKCS C/laahi Shiikh, Gudoomiyaha XKCP Mustaf Majacas, aysanna jirin cid dhex dhexaad ka ah Koobkaan, oo la isku halayn karo.

Sidaasi darteed, anagoo ah Sadexda kooxood ee kor kuxusan, waxaa ay go’aan sanay in aan Hakinno kasii mid ahaanshaha horyaalka Puntland, inta laga helayo ku dhaqanka Saxdaa ee xeerka iyo shuruucda ay saxiixeen kooxuhu, ayna Kooxu helayaan xuquuq Cadaaaladeed oo siman, Sidoo kalana La helayo cid dhex dhexaad ah oo lagu kalsoonaan karo.

 

Wabilaahi Towfiiq

Akhriso

War saxaafadeed

 

About The Author