Sawirro: Wasiirka Waxbarada & Hay’adda Care Int. oo Mashruca Horumarinta Bursalax ku wareejiyey maantay Kolejka cusub ee gabdhaha ee Bursalax

11 April (Puntlandes) Maanta oo ay taariikhdu tahay 11 Aperil 2017 ayaa waxaa magaalada Bursaalax waxaa ka dhacday munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xariga looga jaray Hoyga Jiifka, Kolejka Gabdhaha ee Bursaalax, isla markaasna lagu wareejiyey Mashruuca Horumarinta Bursaalax.

Waxaa munaasabadda kasoo qayb galay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayoey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee dawladda Puntland Prof: Abshir Yuusuf Aw Ciise uuna ka mid yahay Agaasimaha Guud ee wasaaradaas mudane Maxamed Cabdiqaadir iyo wafdi kacda Hay’ada Care International oo maalgelisay mashruuca uuna hogaaminayey madaxa guud ee Care International Somalia Mr Rahiim Ashfar iyo madaxa Puntland Cali Godane.

Waxaa kale oo wafdiga Gobolka Mudug uga biiray wafdi uu hogoominayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug mudane Xasan Maxamed Khaliif Abgaaloow uuna ka mid yahay Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug Mudane Bashir Axmed Khalaf.

Waxaa si rasmi ah manta loogu wareejinta Dhismiha Hoyga Jiifka, Kolejka Gabdhaha Ee Bursaalax, Mashruuca Horumarinta Bursaalax, iyadoo ay kasoo qayb galeen munaasabadda marti sharaf kala duwan.

Dhismahan Bursaalax laga Hirgeliyey ayaa ah Hoyga ugu wayn Soomaaliya ee Gabdhaha, waxaana loo qalabeeyey si casri.

Dhismaha Kolejka Gabdhaha ayaa waxaa la dhagax dhigay oo dhismihiisa la bilaabay 21 okt. 2016, waxaana dhagax dhigay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee dawladda Puntland Dr Mohamed Ali Farah, hoos ka daawo muuqaal iyo sawirro markii la dhagax dhigayey.

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee dawladda Puntland oo ka duulaysa siyaasadda ku salaysan horumarinta Puntland ee madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiweli mxamed Cali Gaas ayaa waxay dadaal xoogan u gashay sidii ay Puntland ku heli lahayn Kolej aad u wayn oo u gaar ah Gabdhaha Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba, iyadoo ku guulaysatay kana dhistay magaalada Bursaalax oo caan ku ah ka shaqaynta horumarka.

Daawo Video-SAWIRRO: Bursaalax oo Wasaarada Waxbarasha Puntland ay ka Dhagax Dhigtay Kuleej Gabdho

Halkan hoosana ka akhriso kana daawo muuqaala aad u xiiso badan.

Sawirro: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarada & Hay’adda Care Int. oo Mashruca H. Bursalax ku wareejinaya maanta Kolejka cusub ee gabdhaha ee Bursalax

Daawo Video-Sawirro: Ardada dugsiga Cirro ee Bursaalax oo dhir ku beertay Hoyga gabdhaha (Kolejka) Bursaalax

 

Daawo sawiradda munaasabadda wareejinta Kolejka Gabdhaha
1

2

3

4

5

6

7

8

9
Puntlandes.com

About The Author