Sawirro+Warbixin: Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Kormeeray Xarumaha Wax barashada G.Mudug.

13 April (Puntlandes) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Maxamed Cabdiqaadir , oo kormeeraya xaaladda guud ee wax barashada Gobolka Mudga, ayaa saaka booqday qaar ka mid ah iskuulada Magaaladd Gaalkacyo.

Agaasimaha oo weheliyaan Gudoonka waxbarashada Gobolka Mudug iyo kan dagmada Gaalkacyo, ayaa waxaa ay la hadleen qaar ka mid ah ardaydii Iskuuladaas, kuwaas oo fursad loo siiyey in ay su’aalo waydiiyaan Agaasimaha, waxaana ay waydiiyeen su’aalo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, in wasaaraddu Qorsheyaal gaar ah u samaysay Magaaladda Gaalkacyo oo ay ka dheceen dagaalo soo noq noqday iyo deeqaha Wax barasho.

Agaasimaha oo su’aalahaan ka jawaabaya, ayaa sheegay in ay wasaaraddu samaysay qorshayaal gooni u ah magaaladda Gaalkacyo, oo ay ka mid tahay in Fasaxyada lasoo gaabiyo, iyo in ay macalimiintu dar dar galiyaan dhamaystirka Silabasla.

Deeqaha waxbarashada ee ay wasaaraddu hesho ayuu sheegay agaasimuhu in ay ku helaan labo sifo, tiro kooban oo ay ka helaan DF iyo xiriiro gooni ah oo ay Dowladda Puntland leedahay, kuwaas oo ay ku hesho tiro badan oo wax barsho lacag la’aana oo qiimo badana leh.

Agaasimaha ayaa waxaa uu ardayda Dugsiyada sare kula dardaarmay, in ay ahmiyad siiyaan waxbarashada sare ee gudaha, maadaama haatan ay kor u kacday tayada waxbarashada sare ee Dalku, waxaase uu dhiiri galiyey in ay ardaydu dalka iyo Dibadda kii ay helayaanba ay kusii wattaan wax barashada.

Maalinkii shalay ayaa agaasimuhu xariga kasoo jaray, Kuleejka gab dhaha ee deegaanka Bursaalax, kaas oo dhawaan la dhamaystiray, ugu danbayntiina waxaa uu amaanay habka wanaagsan ee ay usocoto wax barashada magaaladda Gaalkacyo, oo xaaladda adag oo Colaada iyo abaar ah.

Sawirro

IMG_8997

IMG_9086

IMG_9145

IMG_9165

IMG_9177

IMG_9183 IMG_9192 IMG_9219 IMG_9264

IMG_9268

IMG_9303

IMG_9307

Puntlandes.com

About The Author