Ardayad Qalin Jabisay oo loo keenay Hadyaddii ugu layaabka badnayd (Sawir)

Mid ka mid ah ardaydii ka qalin jabinaysay, Jaamacadda Bariga Africa fareecada magaaladda Boosaaso ayaa, hadyaddii loo keenay waxaa qayb ka ahaa, Bastoolad Nooca loo yaqaan Teetee (TT-33 ) ah.

Fayruus Dhoobbo oo ka mid ahayd ardaydii ka qalin jabisay jaamacadda, ayaa waxaa loo keenay Hadyaddaan, oo noqonaysa tii ugu horaysay Nooceeda Abid lookeeno Ardayad, waxaana hadyaddaan Ayuub Dhoobo oo walaalkeed ah, ayaa hadyaddii uu u hibeeyey walaashiis kusoo daray Bastoolad nooca Tee Teeda ah (TT 33).

Inkasta oo aan hadyad noocaas Abid horay loogu keenin arday qalin jabinaya, misana waxaa ay furtay waddo cusub, inta badan dadka wax barta waxaa loo hadyeeyaa, waxyaabaha carfa, waxyaabah wax lagu qorto iyo IWM.

Arinkaan ayaa Fajac galiyey dad badan oo hadyaddas arkay, waxaa sidoo kale aan wali la ogaan ujeedka uu kalahaa qofkii hadyaddaan gabadha U keenay, maadama aysan gabadho Askariyad ahayn, sidookalana waxba ka aqoon Qalabka ciidanka.

Hadyaddaan oo ahayd middii ugu Qaalisanayd Hadyadihii la keenay goobta, Markii lacag loo badalo, Ayaa Dadku Su’aalo badan iska Waydiiyeen Ujeedka uu kala Ayuub oo walaashiis hadyaddaan ukeenay.

Dad ku dhow Dhow ayaa ii sheegay In Ayuub Uu aad u jeclaa walaashiis, ujeedka kaliya ee uu ugu keeni karaana ay tahay in ay Nafteeda ku ilaaliso, maadaama ay gabdhaha aqoonyahankaahi haatan ka mid noqdeen dadka la ugaarsado, iyaduna ay hadda Noqotay aqoon yahanad Da’ayar.

Sawirkii Layaabka.

18035633_1526682024018307_1589407245_n 18057064_1525710614115448_2287082252090126208_n

18010838_1525709564115553_3074544247301676670_n

About The Author