Daawo Video: Ciidamada PSF Puntland oo u gurmaday xaafado ku yaala Garowe

24 April (Puntlandes) Ciidamada PSF ee Puntland ayaa gurmad biyo dhaan u sameeyay qoysas ku nool qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Garowe oo bilihii u dambeeyay ay lasoo daristey biyo la,aan baaxad leh, waxaana uu qeyb ka yahay gurmadkaan hawlo samafal oo ciidanku mudooyinkii u dambeeyay ka samaynayaan magaalooyinka iyo Gobolada Puntland.
234-9e4
Dadka ku nool xaafadda Israac ee magaalo madaxda Puntland Garowe ayaa sheegay inay si joogto ah ugu biyo dhaaminayeen ciidanka PSF labadii bilood ee lasoo dhaafay ka dib markii ay yaraadeen biyihii magaalada.

Abaarta ka jirta Puntland ayaa sida muuqata saamayn xoog leh ku yeelatay miyi iyo magaalaba, waxayna mareysaa heerkii ugu kululaa abid taariikhda inta laga war hayo.

Daawo Gurmadka Ciidanka PSF Puntland.

Puntlandes.com

About The Author