Garoonka Galkacyo oo dhismihiisu bilaabanayo dhawaan & Qalabka lagu dhisayo oo intiisa badani Puntland taalo!!

24 April (Puntlandes) Madaxwynaha dawladda Puntland Dr Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan waxa uu dhagax dhigi doonaa Garoon Caalami ah oo ay yeelan doonto magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

234-9e5

Madaxwyne Dr Cabdiweli oo iminka booqasho shaqo ku jooga dalka Ethiopia ayaa waxa uu dhagax dhigi doonaa Garoonka marka uu dalka ku soo noqdo, iyadoo ay dhisi doonta Shirkada CCECC ee Dhistay Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Qalabka lagu dhisayo Garoonka ayaa intiisa badani waxay shirkada u taalaa xarun wayn oo ay ku leedahay magaalada Bosaso waana qalabkii ay ku dhistay Garoonka Bosaso, waxaana ay iminka shirkadu ku hawlan tahay sidii qalabkaas loogu soo rari lahaa Gaalkacyo iyadoona maalmaha soo socda la filayo in ay dalka yimaadaan Injineeradii dhisayey Garoonka.

Puntlandes.com

 

About The Author