Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Ka Xaaraan Tinimeeyey Gudaha Puntland Urrurka AL-Saaciduuna Bilxaq.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaajib Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 27 April 2017 shir jaraa’il uu ku qabtay qasriga madaxtooyada magaalada Garoowe ayaa waxa uu kaga hadlay urrurka lunsan ee ku dhuumnaya diinteena suuban ee Islaamka AL-Saaciduuna Bilxaq, kuwaas oo hore looga mabnuucay inay sii joogaan gudaha degaanada Puntland.

Shirkani Jaraa’il ayaa waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey Masuuliyiin katirsan goloha xukuumada dawladda Puntland, Taliyaha Ciidamadda Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay hore amar cad oo ku aadan urrurka Al-Saaciduuna Bilxaq u soo saartay,  isla markaana ay sheegtay in uu mabnuuc ka yahay ururkaasi lusan gudaha Puntland uguna degtay ummada Soomaaliyed, maantana ay maqfurkaasi ku taagan tahay.

‘’ Waxaan ummadda Soomaaliyeed u sheegayaa meelkastay joogaan iyo maamuladaba mawqifka Puntland iyadaa ugu horeysey inay Toosh ku ifiso kahadasho si qeexan war uga soo saarto urrurka lunsan ee AL- Saaciduuna Bilxaq, waxaana u cadaynaynaa ummadda Soomaliyeed una sheegaynaa urrurkaasi inuu xaaraan yahay, Puntland xaraan kahay, arlo Soomaaliyeed-na xaaraan kayahay wax alaale iyo wixii waajibaada oo laga qaadan karayona laga qaato, culumadu doorkooda waa qateen dawladduna doorkoodu waa qadanayaan, hadii shaki jirey oo qalad ka dhacay masuuliyiin ka tisan dawladda waa saxnay siyaasada iyo mawqifka dawladduna waa cadyahay’’ ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay abaarta baaxadale ee kajirta Puntland, waxaana uu sheegay inay ka da’day raxmada Eebbe degaano badan oo Puntland ah.

‘’Marwalba waa niraahnaa abaaruhu maalinba maalinta ka danbaysa waa ka sii xumaanayaan lakiin Ilaahay waxaan uga mahad celinaynaa raxmadiisa roobku shalay wuu curtay dhulalbadana waa uu ka da’ay haku yaraado ama haku badnaadee taasina waa mahad Alle waana war wanaagsan, hadana markasta oo wakhtigu sii dheeraadana in hawshani ay sii kordhayso baahideeduna sii baladhanayso layskuma hayo ‘’ ayuu yiri kusimaha Madaxweynuhu.

Siidoo kale Kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dawladda Puntland ay ku heelan tahay qorshe cadna kayeelatay sidii looga caawin lahaa ummadda Soomaliyeed ee deegaanada Puntland kusoo hayaantay inay ku guryo noqdaan degaanadoodii kuwaas oo uu sheegay madaxweynuhu inay ka kala yimadeen Dawaladd degaanka Soomaalida Ethiopia, Soomaaliland, Galmudug iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne kuxiigeenka ayaa ku wargeliyey dadkaasi ku soo hayaamay Puntland cidii doonaysa inay ku guryo noqdaan degaamadoodii inay lasoo xidhiidhaan masuuliyiinta degmooyinka ku aag-dhow meesha ay degen yihiin iyo gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar si loogu fududeeyo rabitaan kooda.

Ugu danbayn, Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Kumar Camey ayaa hambalyo u diray ciidanka Dawladda Puntland ee ku heelan difaacida iyo ilaalinta sharafta shacabkooda, waxaana uu si gaara u bogaadiyey ciidamada magaalada Boosaaso ku soo qabtay walxaha qarxa, kuwaas oo cadawgu ku tala jireen inay ku wax yeeleeyeen shacabka magaaladaasi.

234-9d6

234-9d6a

234-9d6b

234-9d6c
Puntlandes.com

About The Author