Roobabkii Gu’ga oo maanta meelo badan ka hooray

Sawir laga qaaday Dagmada Jariiban ciurka oo Da'aya.

27 April (Puntlandes) Roobab aad loogu diirsaday ayaa ka hooray meelo badan oo ka tirsan Gobolada Mudug, Nugaal, Sool, Bari, Sanaag, Cayn iyo meelo kale oo badan oo Soomaaliya ah.

Magaalada Laascoond iyo buuhodle Roob fiican oo biyo dhigay ayaa ka da’ay Xalay iyo maanta.

Magaaladda Jalab oo hoostagta dagmada Burtinle, ayaa waxaa caawa ka da’ay roob lagu diiraday oo meelo badan biya dhigay, dadka aagaas ayaa sheegay in uu roobku u sii gudbay dhicaas iyo Xaarxaar, tuulo ooman, halka Burtinle laga sheeganayo shuux shuux Roob hortiis ah, cirkana ay ka muuqdaan daruuro biyeysan.

Dagmada Jariiban ayaa iyadana waxaa laga soo sheegayaa Roob balaaran oo maray meelo badan, beesha Balac iyo Shilin xaraare ayaa ka mid ah meelaha uu baraagaha biya galiye, waxaana ay dadku noo sheegayaan in uu faaxay oo ku fiday dhinac Seemade iyo inta ku xeeran, Buubi iyana waa Roobsatay.

Dad kusugan dagmada Jariibana ayaa Warbaahinta Puntlandes u sheegay in uu Roobku ka jiro 3da jaho ee koofur, waqooyi iyo Galbeed, Halkuu dagmada hayo roob quble ah (shuux iska soconaya).

Dhanka Ciidka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa uu Roobku ka da’ay Galxamur iyo Dameerjoog.

Roobka ayaa ka da’aya meelo badan oo Soomalaiya ah, Cirka ayaan haatan cusuboonaaday bilaabayna in uu da’o.

Sawir laga qaaday Dagmada Jariiban ciurka oo Da'aya.
Sawir laga qaaday Dagmada Jariiban ciurka oo Da’aya.

Lasoco wixii kasoo kordha.

Puntlandes.com

About The Author