Qalabkii lagu dhisayey Garoonka Gaalkacyo oo gaaray goobta laga dhisayo

27 April (Puntlandes) Qalabkii lagu dhisayey Garoon Caalamiga ah oo ay yeelan doonto magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa uu galabta gaaray goobta laga dhisayo.

234-9e5

Qalabka ayaa intiisa badani waxay shirkada u taalay xarun wayn oo ay ku leedahay magaalada Bosaso waana qalabkii ay Shirkada CCECC ku dhistay Garoonka Bosaso, waxaana maanta ay shirkadu usoo rartay Gaalkacyo gaar ahaan goobta ay dawladda Puntland u astaysay inay ka dhisto Garoonka,iyadoona maalmaha soo socda la filayo in madaxweyanah Puntland Dr Cabdiweli Maxamed cali Gaas uu dhaxdhigo.

Puntlandes.com

About The Author