Nabadoon Maxamuud Diirshe oo Gaalkacyo lagu dilay

27 April (Puntlandes) Waxaa goor dhawayd magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xaafadda New Garsoor lagu dilay AUN Nabadoon Maxamuud Jaamac Diirshe (Maxamuud faray) oo ka mid ahaa Nabadoonada Gobolka Mudug.

234-2c7

Nabadoon Maxamuud ayaa dabley aan haybtooda la aqoon waxay wax yar ka hor ku toogteen gurigiisa hortiisa iyagoo madax rasaas kala dhacay, kadibna goobtii ayey ka baxsadeen.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku soo laabtay dilka loo gaysano s´dadka qiimaha leh iyaa 21kii bishan lagu dilay AUN Cil. Gaandi.

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes.

 

About The Author