Daawo muuqaal Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo ka hadlay xaaladda dalka uu marayo & arrimo Xasaasi ah

28 April (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo maanta marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee ka baxa Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka ayaa wuxuu ka hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin xaaladda dalka haatan uu marayo, arrimaha dib u heshiisiinta, Bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda iyo arrimo kale.
234-2b9
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladdu ay ka shaqaynayso dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed si loo gaaro horumar iyo isbadal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay sidoo kale asaga iyo madaxda kale ee dowladda inay ku balameen inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara is qab qabsi iyo qilaaf, ayna ku dhaqaynayaan Dadka Dadka iyo Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda ay xoogga saareyso sidii loo samata bixin lahaa dhallinyarada ku dhibaateysan xabsiyada dalka dibadiisa ah, ayna Xukuumaddu ka xuntahay dhibaatda dhalinyarada heysato, lagana shaqeynayo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in shirka London waqti hore uu soo bilowday, isla markaana loogu tagalagalay in lagu garab istago dowladda oo ay ka midtahay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dowlad wanagga., isagoo inta ku daray in waxyaabaha shirka ka soo baxa ay shacabka lala wadaagi doono.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku baaqay in aan la sharaysan nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaaliya qaadatay, kaasi oo u jeedkiisu tahay in bulshada lawada gaarsiiyo nidaamka dowladnimada, isla markaana dowlad goboleedyada iyo dowladdu ay ka wada shaqeeyaan u adeegidda danta guud oo ay hormuud ka noqoto dowladad Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaalya ayaa markale ku celiyay qorshaha la dagaallanka musuq maasuqa, uuna yahay qorshe cad oo ay Xukuumaddu diyaarisay, ayna jiraan guddi arrimahaasi qaabilsan.

Halkan ka daawo Barnaamijka oo dhameystiran.

Puntlandes.com

About The Author