Dhagayso: Gud. degmada Badhan mudane C/risaaq oo waraysi Golaha1960 uu siiyey uga hadlay Mashaariicda Horumarinta ee ay dawladda Puntland ka wado gobolka & Abaartii jirtay

28 April (Puntlandes) Waraysigan oo uu Maayarku siiyey shalay 27ka april golaha1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan wuxuu aad ugaga hadlay Abaarta baahsan ee ka jirta Somaliya iyo Roobabka ka bilowday gobolada somaliya qaarkood .Sidoo kale Mayarka magaalada Badhan ee magaala madaxda Gobolka Sanaag Mudane C/risaaq Axmed Cise wuxuu wuxuu aad uGu dheeraaday wax ka qabadka dhabta ee dowladda Puntland ,Shacabka ,quba joogata iyo ha’adaha kaleba ka geysteen Guud ahaan Gobolada Puntland .

large

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale Wuxuu ka warbixiyey oo ku dheeraaday Mashaariicda horumarineed ee kala duwan ee ay Dowladda Puntland ka wado Gobolka Sanaag, Sida Caafimaadka ,Nalaynta Magaalooyinka Wadooyinka,biyaha(sida Ceelasha) iyo Wadooyin sida wadadda Ceel-Daahir Ceergaabo iyo mashaariic kale oo badan oo ka socoya Gobolka Sanaag.


Weriye Dhegood

Puntlandes,Golaha1960.com

About The Author