Madaxweynaha dowladda Puntland oo kusoo wajahan Garowe dhagaxna dhigi doona mashaariic waawayn

 29 April (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, wuxuuna isla maanta dhagax dhigayaa wadada Eyl iyo Dangorayo oo laami la saarayo.
234-5b4a

Waxaa iminka sugan garoonka Kanooko ku sugan si ay usoo dhaweeyaan Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland iyo madax kala duwan oo dowladda katirsan, halkaas oo madaxweynaha iyo wafdigiisa laga sugayo, iyagoo kadibna degmada Dangarayo tagaya si ay u dhagax dhigaan wadada Eyl.

234-9e9

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kaloo ka mid ah madax ka socota Shirkada CCECC oo harayna u dhistay Garoonka Bosaso iminkana dhisaysa Waddadaas iyo Garoon Caalami oo ay yeelanayso magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, horayna waxaa dalka ugu sugnaa Qalabkii lagu dhisi lahaa iyo Injineeradii.

Madaxweynuhu marka uu dhagax dhigo Wadada Eyl wuxuu kadib u gudbi doonaa magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu isla maanta ka dhagax dhigidoono garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author