Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo Daahfuray Dhismaha Wadada isku xirta Garowe & Eyl

29 April (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa munaasabad ballaaran oo ka dhacday Caasimada Puntland ee Garowe ku daahfuray Dhismaha Wadada isku xirta Garowe & Eyl.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa goordhoweyto kasoo degay Garowe, waxaa socdaalkiisa ku weheliya xubno ka socda shirkada CCECC, waxaa ay toos ugu soo gudbeen xarunta Jaamacada Bariga Afirka ee Garoowe halkan oo ay ka socoto xafladda daahfurka dhismaha Jidka Garoowe-Eyl.

Isimada Gobolka Nugaal oo uu u horeeyo Islaan Ciise iyo waxgaradka qaar ka mid ah oo ka qayb galay munaasabadda daahfurka ayaa si wayn usoo dhaweeyey dhismaha waddada waxay bogaadiyeen shaqada iyo dadaalka uu u sameeyey madaxweynaha dawaladda Puntland Dr cabdiweli inuu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo isaga ka hor ku tiirsanaa Waddada Gaalkacyo Bosaso oo burburtay iyo Dekedda Yar ee Bosaso oo qayb ka mid ah ay aasantay kuwaasoo laga dhaxlay dawladdii AUN Maxamed Siyaad Barre aana helin wax dayactir ah muddo 30 sano ku dhow.

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes

234-9f1

234-9f2

234-9f5

234-9f6

234-9f6a

234-9f6b

234-9f6c

234-9fc

Puntlandes.com

About The Author