Dhagayso-Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Dhagax Dhigay Garoon Caalami ah oo ay Gaalkacyo yeelanayso

29 April (Puntlandes) Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhagax dhigay Garoon Caalami ah oo yeelanayso magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaa Goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka socday shirkada CCECC.

Munaasabadda ayaa waxaa kale oo ka qayb galay madax dowlada Puntland ka tirsan iyo qaybaha bulshada Gobolka Mudug.

Dr Cabdiweli ayaa maanta si wayn loo soo dhaweeyay garoonka Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, waxaana soo dhaweeyey boqolaal dadweyne ah oo ruxayay Calanka Puntland iyo Caleemo qoyan.

Dhagayso Khudbadii madaxweyne Gaas ee dhaxdhiga garoonka Gaalkacyo


Shirkada CCECC ayaa dhisaysa Garoonka Caalamiga ah ee ay yeelanayso Gaalkacyo, waxaana dhismihiisa la bilaabay isla galabta, ka dib markii uu daaha ka fayday Madaxweynaha Puntland.

Shirkadan ayaa horay u dhistay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bosaso, waxaana hadda la filayaa iney muddo 8 bilood ah ku dhamaystirto Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo iyadoo isla maantana la daahfuray waddada Garowe iyo Eyl oo ay shirkadu dhisayso.

Puntland ayaa waxay ku talaabsatay Horumar ballaaran oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah muddadii uu xilka hayey madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. waxaa Puntland ay yeelanaysaa muddadaas Garoonkii 3aad oo Caalami ah iyadoo maantana uu madaxweyne Gaas ku dhawaaqay inay meel fiican marayso Qorshaha dawladiisa ee inay Helaan Buuhoodle iyo Badhan laba Garoon oo Caalami ah.

Daawo sawirrda

































Puntlandes.com

 

About The Author