Dhismaha Madaxtooyada Gaalkacyo oo dib u bilaabanaya

30 April 2017 (Puntlandes) Waxaa dhawaan dib u bilaabanaya sida ay ogaatay warbaahinta Puntlandes dhismaha Madaxtooyada dawlada Puntland ee magaalada Gaalkacyo, kaasoo in muddo ah uu hakad ku yimid iyadoo iminka loo saxiixay qandaraaskii shirkadii dhisi lahayd Madaxtooyada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
235-a1

Sawirka kore Naqshada madaxtooyada Gaalkacyo
Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waa tii ugu waxqabadka badnayd magaalada Gaalkacyo intii ay jirtay Puntland oo ah 19 sano ku dhawaad.
235-a

Sawirka kore Naqshada xarunta wasaarada Kallumaysi dawlada Puntland ee Gaalkacyo
Maanta Gaalkacyo iyadoo waliba ay carqabado badan ka horyimaadeen waxay dawlada Dr Cabdiwali dib usoo celisay Bilicdeedii ay lahaan jirtay, kadib markii ay dudumisay Guryihii sida Sharci darada ah looga dhistay Laamiga hareerihiisa, waxay dhisme ku bilowday Madaxtooyo ay markii u horaysay Gaalkacyo yeelato, waxay dayactir ku wadaa dhamaan Guryihii dawladii hore ee Soomaaliya ay lahayd oo ay si qasab ah uga kicisay dad haystay ilaa iyo 1991dii iyadoo ay dawladihii ka horeeyey dawlada Dr Cabdiwali aysan ba isku dayin inay baneeyaan Xurumaha ummadda loogu adeegi lahaa.

Hoos ka daawo dhismaha madaxtooyadda Gaalkacyo oo wax ka bedelay bilcda magaalada iyadoo waliba qabyo ah
235-1a3

235-1a4

235-1a5
Puntlandes.com

About The Author