Daawo Video: Senator Muuse Suudi oo weerar ba’an ku qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya

30 April 2017 (Puntlandes) Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Senatarada Aqalka Sare ee laga soo doortay deegaanada Hirshabeelle ayaa weerar xoogan ku qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya.
235-1b
Senator Yalaxow ayaa ku eedeeyey DFS in Maamulka Hirshabeelle ay dhibaato culus ku heyso, isla markaana laga joojiyey dhaqaalihii la siin jiray, oo uu ku eedeeyey inay DFsa in gobolada kale siiso.

Eedaynta Senator Yalaxow ayaa waxay noqonaysaa eedayntii ugu cuslayd ee mas’uul kasoo jeeda dadka iminka degen magaalada Muqdisho uu u jeediyo madaxweynaha JF Soomaaliaya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dawlada uu madaxda ka yahay iyadoo uu jiray guux tan iyo markii la doortay.

Daawo Senator Yalaxow

Puntlandes.com

About The Author