Wasiirka Dastuurka DFS oo sheegay in la sharciyeynayo Maamul goboleedyada dalka ee samaysmay 2012kii kadib

30 April 2017 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa shaaca ka qaaday in maamul goboleedyada dalka ee samaysmay wixii ka dambeeyey sanadkii 2012 kii la horgeynayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo sharciyeeyo.

235-1b1

Wasiir Xoosh ayaa hadalkan ka jeediyay kulan wada tashi ah oo ku saabsanaa arrimaha dastuurka oo loo qabtay Haweenka Soomaaliyeed.

Mudane Xoosh ayaa sheegay in maamulada xiligaas dhismay ay yihiin kuwo KMG ah, oo qaarkood dhismahooda uu ka jiro muran.

Arrinta uu ku dhawaaqay Wasiirka Dastuurka ee ku saabsan in Baarlamaanka la horgeynayo maamul goboleedyada ayaa ah mid Dastuuri ah oo ay ku cadahay in marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo ka horeeyey DFS in la horkeeno Baarlamaanka Federaalka Soomaaliaya.

Puntlandes

About The Author