Sawirro: Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya

30 April (Puntlandes) Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya u fadhin doona Soomaaliya Amb. Jamaaludiin Mustafa Omar, ka hor booqashada Madaxweynaha lagu wado in Todobaadkan uu ku tago dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Itoobiya Amb. Jamaaludiin oo bishii hore ay dowladda Itoobiya u soo magacawday Soomaaliya ahna Wakiilka gaarka ah ee dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.

Danjire Jamaaludiin Mustafa Omar ayaa ugu horeyn madaxweynaha u gudbiyay nuqulo ka mid ah waraaqdiisa danjirnimo iyo dhambaal uu ka sido Madaxweynaha dowladda Itoobiya Mulatu Teshome.

Shalay ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjirnimo uu ka guddoomay Danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in Arbacada soo socota uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu ku joogi doono booqasho qaadan doonto labo cisho.
235-1b2

235-1b2a

235-1b2b

235-1b2c
Puntlandes.com

About The Author