Sawirro: Jaaliyada Puntland ee Finland oo Casho Sharaf u Sameysay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Sayid Cumar Aadan Guuleed.

18 May 2017 (Puntlandes) Jaaliyada Puntland ee Finland oo casho sharaf u sameysay Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Puntland Mudane Sayid Cumar Aadan Guuleed.

Wasiiru dowlaha ayaa maalmahaan booqasho ku marayay dalalka qaarada Yurub isla markaana kulamo kala duwan la qaadanayay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkaasi ayaa magaalada Helsinki ee dalka Finland waxaa Kulan Iyo Casho sharafba u sameeyey jaaliyada Puntland ee Finland.

Kulanka ay wada qaateen Wasiirka iyo qurba-joogta Reer Puntland ee Finland ayaa ku saabsanaa Xog-waran dardaaran iyo Wadatashi dhexmaray Jaaliyada iyo Wasiirka.

Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Finland Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale ayaa Wasiirka  warbixin kooban kasiiyey waxqabadka jaaliyada sidoo kale gudoomiyaha ayaa ku amaanay dadaalkii iyo waxqabadkiisa Wasiiirka kulana dardaarmay inuu qurba-joogta Puntland mideeyo  una israago sidii qurba-joogta dib u heshiin sax ah loogu  dhex abuuri lahaa iyo cadaalad.

Puntlandes.com

About The Author