Daawo Video: Xildhibaan C/qaadir Ibrahim Cali “Axmed Madoobe waa dawlad diid, Demoqraadiyad diid, Dastuur diid waana Federaal diid”

26 May 2017 (Puntlandes) Xildhibaan C/qaadir Ibrahim Cali oo ka mid Baarlamaanka Jubaland oo shir jaraaa’id qabtay ayaa Dhaliil xoogan u jeediyey maamulka uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe ee Jubaland, isagoo sheegay inuu dhan walba ku fashilmay.

235-3b1

Xildhibaanka ayaa waxa uu ku dhawaaqay inuu ku biiray Garabka Mucaaradka ee Baarlamaanka JUBALABD kaasoo uu hogaamiyo Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf oo haray ugu dhawaaqay garabkaasi halkaas ka daawo kana dhagayso.

Xildhibaan C/qaadir Ibrahim Cali ayaa sheegay in Axmed madoobe oo diidan yahay dawladnimada Jubaland, uusana ogolayn dastuurkii lagu heshiiyey wuxuuna lidi ku yahay Dimoqraadiyada isagoo kasoo horjeeda Fadaraalkii ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay wuxuuna yiri xildhibaanka oo ka hadlaya arintaan “Axmed Madoobe waa dawlad diid, Demoqraadi diid, Dastuur diid waana Federaal diid”

Xildhibaanka ayaa waxyaalo badan oo uu ka halay waxaa ka mid ahaa:

  • Dhul boob uu Kismaayo ka wado Axmed Madoobe maamulkiisu
  • Eex qabyaaladeed oo uu Beeshiisa gacanta u geliyey magaalada Kismaanyo
  • Ku xad gudub Dastuurka Jubaland oo la wada samaystay, isagoo aan ku dhaqmin hal qodob oo ka mid ah
  • Caburin, Caga juglayn iyo masaafurin uu ku hayo wax garadkii magaalada Kismaayo
  • Maamulka oo ah mid Curyaan ah oo aan shaqayn
  • Ciidankii Jubaland oo uu Axmed Madoobe ka dhigay Beeshiisa kaliya, si ay u caburiyaan Beelaha kale ee Jubaland
  • Masiibo qaran oo Jubaland ka taagan, isagoo qaylo dhaan u diray Beesha Caalamka iyo dawlada federaalka Soomaaliya
  • Barakin lagu hayo dadkii Deegaanka deganaa iyadoo guryahooda lagu wareejinayo dad ka tirsan Beesha Axmed Madoobe oo ka yimid deegaano fog fog
  • Musuq maasuq uu Beeshiisa ugu naas nuujinayo Axmed madoobe, iyadoo Canshuurtii shacabka sida baada looga qaaday ay ku tagri falaan waxaana Baada u qaada Rugta Ganacsiga Jubaland
  • iyo kuwo kale oo badan

Puntlandes.com

 

About The Author