Bisha Ramadaan oo laga arkay meelo badan oo dalka ka mid ah

26 May 2017 (Puntlandes) Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa caawa noqonaysa habeenkii ugu horeeyey dhalashadeeda sannadkan, iyadoo laga arkay meelo badan oo ka tirsan caalamka Islaamka iyo Soomaaliya lana xaqiijiyey in maalinta berri ay soon tahay.

 235-3b2

Bahda warbaahinta Puntlandes waxay dhammaan Shacabka Puntland, ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan Ilaahay uga baryayaa in Soonkan kiisa kale caafimaad qab iyo camal wanaagsan ku gaarsiiyo.

Waxay kaloo Bahda warbaahinta Puntlandes ugu ducaynayaan ummadda Soomaaliyeed inuu Allah siiyo Nabad, Barwaaqo iyo dalkooda oo deganaansho waara iyo Horumar leha.

Daawo dawladda Puntland oo Iclaamisay inay berri tahay Ramadaan

Puntlandes

About The Author