Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli oo ku wajahan maanta Puntland, Xaggee ayuu ka dagayaa?

27 May 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaran oo uu hogaaminayo oo maalmahii lasoo dhaafay safaro shaqo ku kala bixinayey wadamo ku yaala Qaarada Yurub ayaa waxa uu kusoo wajahan yahay Puntland maanta oo ay bisha barakaysan ee Ramadaan ay tahay koow.

4-2

Madaxwaynaha iyo wafdiisa ayaa iminka waxay ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya oo ay soo gaareen habeenkii jimcuhu soo galayey ee 25ka may iyagoo kasoo kicitimay magaalada Helsinki ee caasimadda dalka Finland.

Madaxweyne Dr Cabdiwali iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxay ugu horayn magaalada London ee dalka UK u yimaadeen shirkii ay dawlada UK u qabatay Soomaalida iyo beesha caalamka kaasoo qabsoomay 11kii may 2017.

Kadibna wafdiga madaxweynaha ayaa waxay bilaabeen 15kii may 2017 safaro shaqo oo ay ku mareen wadamada Norway, Sweden iyo Finland iyadoo si wayn loogu soo dhaweeyey wadamadaas uuna kula kulmay Jaaliyadda Puntland ee ku nool wadamadaaas ugana warbixiyey Puntland iyo horumarka ka socda.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Dr Shire Xaaji iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Cabdinasir Soofe ayaa waxay maanta ku wajahan yihiin caasimadda Puntland ee Garowe.

Puntlandes.com

About The Author