Daawo Video: Ciidanka Axmed Madoobe oo Boob ba’an ku haya dhulkii magaalada Kismayo & Beerihii & Nabadoonada G. Nugaal oo ka hadlay boobka Kismayo ka socda!!

28 May 2017 (Puntlandes) Waxaa magaalada Kismaanyo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland ka socday intii uu ka talinayey maamulkaasi Dhul Boob inkastoo uu xargaha goostay mudooyinkii u dambeeyey.

235-3b5a

Waxaa si bareer ah u wada Dhul boobkaas Ciidamada Ahmd Madoobe oo ku habsanaya dhulkii banaan oo ay arkaan xataa haddii aqayb kamid ah ay wax ka dhisan yihiin, iyagoo si gooni ah u bartilmaadsanaya Dhulka ku yaalaya Magaalada Kismaayo dhexdeeda si ay lahaanshaheeda u sheegtaan.

Intaas waxaa sii dheer in dhul Beereedkii magaalada Kismaayo ku wareegsanaa dhammaan laga dhacay dadkii lahaa oo loona diiday in ay Beertaan, iyadoo  qofkii Beeraha lagu dhex arko la xirayo ugu yaraan mudo bil ah si uu u quusto.

Dadkii Deegaanka oo gaajada iyo shaqo la’aantu ay saamaysay ayaa waxa uu maamulka Axmed Madoobe u diiday inay Goofafkoodii xilliga Roobka, iyadoo ujeedadu ay tahay in dad kasoo jeeda Beesha Axmed Madoobe lagu wareejiyo Beerahaas sida dhulka magaalada Kismaanyo ee la boobay.

Hadaba Nabadoonada Gobolka Nugaal ayaa maalintii shalay shir jaraa’id oo ku qabteen Caasimada Puntland ee garowe ku cadeeyey inay Kismaayo ka socoto boob aan xadlahayn oo lagu hayo dhulkii iyo beerihii shacabku ay sida gaar ah u lahaayeen iyadoo ay boobayaan Ciidamada Axmed Madoobe.

Nabadoonada ayaa codsi u diray baarlamaanka Jubaland inay arintan deg deg wax uga qabtaan oo badbaadiyaan hantida dadka masaakiinta laga dhacayo.

Puntlandes

About The Author