Axmed Madoobe oo Xilkii Xildhibaanimo ka qaaday labo xubnood oo maamulkiisa dhaceeyey!!

28 May 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa amark u bixiyey in sidii agaasimayaal uu soo magacowday xilka Xildhibaanimo laga qaado labo xildhibaan oo dhaleeceeyey maamulkiisa ku dhisay dhul boobka.

235-3b6

Bidix Xildhibaan Maxamed Calili Yuusuf u dhashay Beesha Harti & midig Xildhibaan Cabdikadir Ibrahim Cali oo u dhashay Beesha Gaaljecel

Maanta ayaa Axmed Madoobe shiriyey Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland ee isaga taageersan waxa uuna ku amray inay xilka ka qaadaan labadan xildhibaan oo kala Xildhibaan Cabdikadir Ibrahim Cali oo u dhashay Beesha Gaaljecel iyo Xildhibaan Maxamed Calili Yuusuf u dhashay Beesha Harti.

Garabka taageera Axmed Madoobe ee Baarlamanaka Jubaland ayaa isla maantaba ku xadreeyey inay aqbaleen Codsigii hogaamiyahooda ayna Xildhibaanimadii ka qaadeen labadaas xubnood.

Labada Xildhibaan ayaa sameeyey madal mucaarid oo ay ku midaysan yihiin Xildhibaanada daafayaca jiriraanka Jubaland, iyadoo aysan dastuuri ahayn in Axmed Madoobe uu xubinimada Baarlamaanka ka qaadi karo.

Halkan ka daawo kana akhriso: Xildhibaan C/qaadir Ibrahim Cali “Axmed Madoobe waa dawlad diid, Demoqraadiyad diid, Dastuur diid waana Federaal diid”

Halkan ka daawo kana akhriso: Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Julaband oo banaanka keenay maamul xumada, Dhul boobka Axmed Madoobe kuna baaqay…

Maamulka Axmed Madoobe uma dhaqmayo sidii maamul ee waa Jamhad doonaysa dhul aysan lahayn inay boobto, waxayna iminka Jubaland oo dhibaatooyin aad u fara badan loo soo maray u baahan tahay badbaadin maxaa yeelay jiritaankeedii ayaa mugdi ku jira,

Puntlandes.com

About The Author