Akhriso: Magacyada Guddiga Qiimeynta xaalada maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

31 May 2017 (Puntlandes) Guddi khubaro ah oo afar xubnood ka kooban ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u saaray inay soi qiimeyaan xaalada maxaabiista Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed shalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa wal wal looga muujiyay xaalada ka jirta Xabsiga dhexe.

Madaxweynaha ayaa guddiga uu u saaray ka dalbaday inay si deg deg ah warbixin qiimeyn ah ka soo sameeyaan xaalada ka jirta xabsiga dhexe, tirada maxaabiista xukuman, kuwa xukun sugayaasha ah, tiradooda, fal dambiyedyada ay galeen, maxkmadaha xukumay.

Xubnaha Guddigan oo dhamaantood ah sharci yaqaano iyo qubaro ayaa waxay marka ay qiimeyn ku sameeyaan xabsiga waxay, waxay warbixin ku celin doonaan Madaxweyne Farmaajo.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Magacyada Guddigan waxay kala yihiin sidan:-

1- Dr C/qaadir Maxamed Muuse (Xeer Ilaaliyahii hore ee Qaranka

2- Mukhtaar Nuur (Garsoore ka tirsan maxkamadda racfaanka

3- Dr Tahliil Xaaji Axmed (Qareen)

4- Maryan Nuur Maxamed (Kaaliyaha xafiiska La taliyaha sharciga ee madaxweynaha)

Puntlandes.com

About The Author