Sawirro: Wasiirka Maaliyadda DFS oo sheegay in lasoo afjaray musuqmaasuqii Dekedda ka jiray

31 May 2017 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda DFSS Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in 60 Maalmood kadib la soo afjaray Dhamaan Musuq Maasuqii ka taagnaa Dekedda Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Baylle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku guuleestay in uu soo afjaro Musuq Maasuqii ka jiray Dekedda Magaalada Muqdisho islamarkaana uu kordhay Dhaqaalaha Dowladda Ka soo gala Dekedda.

Wasiir Baylle ayaa sheegay in markii hore Dekedda Maalinta laga heli jiray lacag dhan $150,000 hadana ay ka soo xarooto lacag dhan $300,000 Isagoo u mahad celiyay Shaqaalaha Wasaaradda ee la dagaalama Musuq Maasuqa.

Waxaa uu sheegay waxyaabaha lagu guuleystay ay ka mid aheyd kulamo badan iyo kormeero lala yeeshay waaxyaha canshuuraha iyo shirkadda gacanta ku heysa Dekeda.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay yareeyeen lacagihii kiishka lagu wadan jiray ee canshuruaha lagu bixinayay, isagoo xusay in canshuurta ay bilaabatay inay ku dhacdo Akoon, taasna ay sabab u tahay waxyaabaha yareeyay musuq maasuqa.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa Balan qaaday in ay Dowladda bixin doonto Mushaaradka Shaqaalaha Dowladad Sida ugu dhaqasiyaha badan bil u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay is bedelo ku sameysay laamihii canshuuraha dalka, taasoo la sheegay inay dambeysay inuu sare u kaco lacagihii ka soo xaroon jiray garoonka iyo dekeda.
Daawo dawirradaIMG_20170531_132258

IMG_20170531_132355

IMG_20170531_132406

IMG_20170531_132327

Puntlandes.com

About The Author