Daawo Video: Dawlada Puntland oo laga dalbaday inay deg deg u sii dayso Gaarigii Qaraxyada Bosaso lagu qabtay shalay & Shaqaalihiisa

1 June 2017 (Puntlandes)  Odoyaal iyo Ganacsato kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo uu ku jiro mulkiilihii gaariga shalay ay Ciidamada Puntland ku qabteen Bosaso  isagoo wada Qaraxyo waawayn oo maanta shir jaraa,iid ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa ka dalbaday Dowlada Puntland inay si shuruud la,aan ah kusii deyso saddex qof oo kala ah darawal, caaawiye darawal iyo Kirishbooygii gaariga iyo Gaari lagu qabtay qaraxyada.

18740386_1359510797466791_7776129856736482142_n

18813337_1359510917466779_5200461417211050809_n

18839159_1359510944133443_3172617359634736444_n-1

Shalay ayaa Gaari ah nooca ay Soomaalidu u taqaano Candho meydle lagu qabtey Kantaroolka magaalada Bosaso ka dib markii laga helay qariyay qaraxyo waaweyn oo uu waday, daawo sawirada hoose.

Odoyaashaan iyo Ganacsatada ayaa sheegay inaysan wax danbiya lahayn gaariga iyo saddex qof, waxayna ugu baaqeen Xukuumadda Puntland inay deg deg u sii dayso.

Puntlandes.com

About The Author