Daawo Video: Wasiir Yariisow “Howlgalka Xasilinta Caasimada, cidna looguma aaba-yeelu doonoo”

Eng Yariisow ayaa xusay in howlgalka hub ka dhigista uu soconayo ayna jiri doonin cid loogu aabo yeelaayo, waxa uuna xusay in tilaabo adag oo sharci ah laga qaadayo cidii isku dayda in ay ka hor timaado howlgalka xasilinta amaanka Caasimada ama siyaasadeysa.

20

”Cid laga yeelayo ma jirto in ay ka hor timaado qorshaha xasilinta amaanka caasimada, dowlada sharciyad ayey u heesataa in ay xasiliso dalka ayna ka shaqeysyo amaanka, ma jirto dad gaar ah oo la beegsanayo mana la yeelayo in qabiil iyo waxaan jirin lagu oyr kacsado oo la siyaasadeeyo howlgalka xasilinta’ Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay la socdaan in hub badan laga saaray magaalada Muqdisho lana geeyay meelo ka baxsan caasimada, waxa uuna ku hanjabay in meel walbo oo hubkaasi la geeyo ama lagu qariyo dowlada uga daba tagi doonto lana soo wareegi doonto.

Dhanka kale mar uu wasiirku ka hadlayay dilalka ka dhaca Muqdisho ayuu sheegay in qiimeyn la sameeyay lagu ogaaday in inta badan dilalka aanay Shabaab ka dambeyn.

“Qiimeyn la sameeyay dilalka ka dhaca Muqdisho waxaa lagu ogaaday in aysan inta badan Al-Shabaab ka dambeyn, oo ay waxyaabo kale ay ku lug leeyihiin”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Hadalkan kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa imaanaya xili Muqdisho uu ka socdo howlgal hub ka dhigis ah , waxaana jira Siyaasiyiin iyo xubno kale oo hubkooda kala baxay Muqdisho si aanan ciidamada xasilinta ugla wareegin.

Puntlandes.com

About The Author