Wasiiradii ugu badnaa ee DFS u safraya Sacuudiga

5 June 2017 (Puntlandes) Wasiiradii ugu badnaa ee ka socda Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta arbacada ah ee soo socota ay u ambabaxaan dalka Boqortooyada Sacuudiga.

235-3e9b

Tirada Wasiirada aadaya Sacuudiga oo gaaraya illaa 7 Wasiir ayaa dhiggooda Sacuudiga la soo saxiixanaya heshiisyo kala duwan oo ay ugu weyn tahay mashaariic Sacuudiga ka fulinayo Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa Soomaaliya ugu deeqaya lacag gaareysa 4 bilyan oo dollar, kuwaasoo lagu fulinayo mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo Soomaaliya, kuwaasoo dhowr nuuc isugu jira.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhowaan labo jeer safar ku tagay Sacuudi Carabiya ayaa Boqorka dalkaas kala hadlay taageero ay siiyaan Soomaaliya.

Safarka Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ku tagayaan dalka Sacuudiga Carabiya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxreyn ay xiriirka u jareen dowladda Qadar.

Puntlandes.com

About The Author