Faalo: Magaalo doorsoontay iyo Bulsho jahwareersan (W/Q: Zeynab Khalid)

zeynabmoh4@gmail.com W\Q: Zeynab Khalid

zeynabmoh4@gmail.com W\Q: Zeynab Khalid
zeynabmoh4@gmail.com
W\Q: Zeynab Khalid

Waxaa laga jooga 11 sano intii magaalada aan ku noolahay ee Gaalkacyo ay ka dhacayeen dilalka qorsheysan, waad qiyaasi kartaa dilal soo socday 11 sano si xiriir ah inta dad ay galaafteen oo uu badan waxgarad iyo dad magaalada wax weyn ugu yaalay.

Hada magaalada dilka waxuu ka noqday wax caadi ah oo aan cidna si wayn uga nixin maadaama lala qabsaday dadka dhagahoodana uu ka batay. Waxaad galaysaa fiidkii facebooka waxaad arkaysaa tacsi taala waa qof ka mid ah waxgaradka magaalada oo daqiiqado ka hor la dilay, halka lagu dilay waa Meesha ugu dadka badan magaalada qofkii dilaagaa ahaa waa loo jeeday hadi la isku dayo in la qabto waa la qaban karay hadana qofna isma dhaqaajin, xitaa loomo dhaqaaqin dhinacii qofka dhaawaca ahaa yaalay si isbitaalka loola gaaro oo naftiisa loo badbaadiyo, waa lagu daawaday Meesha ilaa nafto ka dhacaysay waayo qof walba wuxu sugayaa cidkale in ay Meesha ka qaado oo marabo inuu isagu goobta ku hormaro, markaas kadib ayaa maydka la asturayaa . Yaa dilay hebel?

Jawaabta in laga fakaro uma baahna waa diyaar waxaa dilay qof madaxa soo duubtay lamana yaqaan. Dadka intii ugu dhawayd marka la dilayayna waa sii jeesteen si ay wajigooda u qarsadaan. Subaxdii ayaa tacsida loo dareerayaa barqadiina waxay sheekadu ku dhamaanaysa ilaahay ha u naxariisto cimrigiisa ayaa inta ku egaaye halka dadka qaarkiisan aamus ku dadaalaan oo yiraandaan nin kula jooga lama xanto cabsi ay qabaan darteed aamusnaanshahaas oo aan ka badbaadin in la dilo haddii ay damcaan inay dilaan kuwa dadka dilaa.

Labo maalmood kadib ayaa galaysaa facebook subaxa hore si aad hal mar indhaha u marisid wararka cusub, waa tacsi kale iyo qof kale oo aad garanaaysid, Allah goorma la dilay heblaayo? Aroorti hore ayadoo shaqo u kalahaysa ayaa ladilay. Ilaahay ha u naxariisto dadkii waa la gurayaa waa aakhiru samaan dadka wanagsan ayaa hormaraya, erayadaas baa la iskugu tacsiyaynaya si nafta loo samirsiiyo ileen xalka ayaa inta noqdaye.

Magaalada baa dhexmaraysaa ilaa aad yaraantaadi kuso kortay mise dadka wajiyadooda waa kugu cusubyihiin halna kama garanaysid waxaad is weydiinaysaa magaaladaan ma tahay meeshii aad aqoon jirtay oo ay dadki qiimaha iyo kudayashada mudnaa ay ku noolaan jireen. Waa yaabe Dadkii aaway?!!!!

Hebel waa la dilay, heblaayo wadanka waa ka tagtay, hebel magaalo kale ayuu u guuray, heblaayo magaaladi way ka niyad jabtay markii asxaabteedi la wada laayay.
Dadkii Waa wax dhintay iyo wax nafta la cararay.

Hadaba Maxaa ka khaldan bulsahdeena?

Dadkii waxaa qof walba uu mashquul ku noqday siduu ku gaari lahaa dantiisa gaarka ah, lkn suurtagal ma tahay in dan gaar ah la gaaro ayadii oo aan danta guud laga shaqayn, dadka qaar waxay hiigsanayaan meel sare ayagii oo aan haysan jaranjaradii ay ku kori lahaayeen Meesha sare.
11 sano magaaladaan waxa ka taagan qofna iskuma xilsaarin in xitaa baritaan dhab ah laga sameeyo amni xumadaan ka socota si arintaan xal loogu helo, dawlad iyo shacabba qolaba qola ayay ku riixaysaa, waxaa sii dheer dagaalada macno darada ah iyo khilaafaadka soo noqnoqnaya.

Runtii waxaan noqanay bulsho aan naftooda badbaadin Karin oo ka sugaysa cidkale in ay na kala badbaadiso dhexdeena.

“Gaalkacyo cidna uma maqna ceelna uma qodna”.

Untitled

zeynabmoh4@gmail.com
W\Q: Zeynab Khalid

About The Author