Sawirro: Arday Muddo Lix Bilood ah Soo Baranaysay Saxaafadda Oo Garoowe Xaflad Loogu Qabtay

6 June 2017 (Puntlandes) Xarunta maamulka gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa ka dhacday munaasabad ay ku qalin jebinayeen 26 arday oo machadka barashada saxaafadda Soomaaliyeed fariciisa Garoowe ka dhammeeyey saxaafadda.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socdey wasaaradda warfaafinta, gudoomiye ku-xigeenka degmada Garoowe, hogaanka ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP, nabadoono, ururada bulshada rayidka ah, suxufiyiin iyo ardayda dhammaysay machadka.

Maamulaha Machadda (SJC) Jaamac Cabdiraxmaan Axmed oo ugu horayn kahadlay madasha ayaa ku dheeraaday casharadii ardaydu soo barteen mudadii 6da bilood ahayd ee ay waxbaranayeen iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin inay mihnadda saxaafadda ku shaqeeyaan.

Dhammaan ka qaybagalayaashii xafladda ayaa ardayda ku booriyey inaysan ka daalin waxbarashada, islamarkaana wixii ay soo barteen ay dalkooda dib ugu celiyaan.

Ugu dambayntiina waxaa madasha shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ardaydii qalin jebisey iyadoona xafladdu kusoo dhammaatay jawi wanaagsan.

SAWIRRO

Puntlandes.com

About The Author