Sawirro: Wasiirka cusub ee horumarinta & dib u dhiska Puntland oo Garowe soo gaaray

10 June 2017 (Puntlandes) Wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta & dib u dhiska Puntland Cabdikhadar Faarax Shaaciye ayaa maanta soo gaaray caasimadda Puntland ee Garowe, iyadoo si ballaaran loogu soo dhoweeyay halkaas.

Wasiirka ayaa sheegay inuu ku faraxan yahay inuu kamid noqdo gollaha wasiiradda dawladda Puntland, wuxuuna u mahad celiyay madaxweyneaha Puntland Dr cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dhowaan wasaaraddaan cusub wasiir ugu magacaabay, wuxuuna balanqaaday inuu kasoo bixidoono waajibaadkiisa qaran ee loo igmaday.

Dhanka kale Wasiirka ayaa u tacsiyeeyay ciidamadii difaaca Puntand ee ku shahiiday dagaalkii ay argigixisada kula galeen tuulada Af-urur ee gobolka Bari, wuxuuna sheegay Puntland iyo shacabkeeda inaysan wax weyn u dhimindoonin ficilada argigixisadu sameynayso.

Waxaa kale oo isna lagu soo gaaray Garowe oo lagu soo dhaweeyey Yaasiin Cabdi Seed oo madaxweynha Puntland u magacaabay bishan June 5 dii Wasiir dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland.














Puntlandes.com

 

 

 

 

 

About The Author