Dhagayso: Puntland oo sheegtay in 25 Alshabaab ah ku dishay dagaalkii Buuraha Galgala

11 June 2017 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka daraawiishta Dowlada  Puntland General Saciid Dheere  oo la hadlay Warbaahinta Puntland ayaa ka hadlay Dagaaladii dhexmaray kooxda Alshabaab iyo Ciidamada dawlada Puntland.

Taliye Siciid dheere ayaa sheegay in 25 ka tirsan kooxda Alshabaab oo ay ku jiraan Saraakiil ay ku dileen dagaalkii khamiistii ka dhacay tuulada Af-urur.

Waxa uu sheegay in dowlada ay sii laba jibaari doonto dagaalkaasi lagula jiro Al-Shabaabka ku dhuumaaleeysanayo buuraha Puntland.

Dhagayso Gen Siciid Dheere


Puntlandes.com

About The Author