Maqaal xiiso badan: Gobdoon & Garoowe

Waxa ay ii ahayd booqashadeydii koowaad ee aan ku tago magaalada Garoowe ee caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland, aniga oo kamid ahaa wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

13

Waxaan soo arkay wax aan la soo ashqaraaray oo runtii aad ii soo jiitay oo ahayd magaalo dhan kasta kobac ka sameeysay oo sii ballaaraneysa, amni ah, laamiyo leh, Hoteelo casri ah ka furanyihiin, dadkeedu ay ku weyntahay Soomaalinimada.

Garoowe maqalkeedu aad ayuu igu badnaa, balse arageedu wuu igu horeeyay. Markaan ka ambabaxaynay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxbadan ayaan isweeydiinayay oo ay kamid ahayd heerka uu gaarsiisan yahay amniga Garoowe maadaama magaalada Muqdisho ee aan ka dhoofaynay ay khataro badan ka jireen Ramadaanka oo lagu jiro awgiis bacdamaa kooxaha argagixisada looga bartay in ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed.

Hadaba, maxaa jawaab u noqotay arintaa?.

In aan ku lugeeyo wado laami ah oo ku taalo suuq dhexdiisa waxaa igu dambeysay sannadkii 2012, laakiin 5 sano kadib waxa aan ku lugeeyay suuqa Garoowe dhexdiisa, dadka aan wada soconay waxaa kamid ahaa Wasiir Xoosh, Wasiirka Arrimaha Dastuurka Puntland Mudane Cali Oog, Xildhibaan hore Maxamuud Beekoos, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Mohamed Zubeyr, La-taliye Cabdixakiim Macallin, iyo xubno kale oo katirsanaa wafdiga.

19495714_1034036070032537_53298879_o
Sawirka waxaa ka muuqda Wasiir Xoosh, aniga, Agaasime Zubeyr oo sii jeeda, Xildhibaan hore Maxamuud Beekoos, iyo La-taliye Cabdixakiin Macalin.

Dhanka kale, habeen ayaan u caweys tagnay meel la yiraahdo Target Center oo ku taalla bartamaha Garoowe inaga oo mar kale ku lugeeynay Laami, mahadi ha ka gaartee waxaa carwooyinka inagu soo wareejiyay dabadeedna Target Center ina geeyay Axmed Bashiir oo kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Dastuurka ee Puntland. Axmed waxa uu kamid yahay dadkii sharafta badnaa ee sida wanaagsan inoo soo dhaweeyay ee aan isku baranaya Garoowe. Caweyskaa quruxda badnaa waxaa igu wehliyey Agaasime Maxamed Zubeeyr iyo Cabdixakiim Macalin.

Dastuurka iyo Puntland

Waxaan soo xaqiiqsaday in dadka ku nool deegaanada dawlad Goboleedka Puntland ay aad u fahansanyihiin muhiimadda Dastuurka.

Xarunta Baarlamaanka Puntland oo u xilsaaran arrimaha sharci dejinta Dawlad Goboleed Puntland ayaan booqanay inaga oo maalintii koowaad kulan la yeelanay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Axmed Caali Xaashi iyo guddiga joogtada ee Baarlamaanka, waxa ay noo ballanqaadeen in ay nagu garabsiin doonaan Geedi-socodka dib u egiista Dastuurka.

Maalintii labaad ayaan ka qaybgalnay xafladda furitaanka kal-fadhiga 39aad ee Baarlamaanka oo lagu casumay wafdigii aan kamidka ahaa, xafladda waxa ay ka dhacday hoolka ay ku shiraan Xildhibaanada oo dib u casriyeen lagu sameeyay aadna u soo jiidatay dhamaan ka qaybgalayaasha.

Bulshada Rayidka Puntland iyo Wasaaradda ayaa kulan wadatashi ah dhexmaray, dadkii ka soo qaybgalay kulanka ee talooyinkii ficnaa soo jeediyay waxaa ka mid aheyd Hooyo sida ay noo sheegtay ka timid Miyiga si ay uga qaybgasho kulanka, runtiina dhamaan dadkii meesha joogay wey la dhaceen sida taladeedii iyo hadalkeediiba u waafaqsanaayeen mowduuca laga hadlayay ee ahaa Qorshaha Guud ee hannaanka dib u eegista Dastuurka. Markaan dhageystay hooyada ra’yigeeda ayaa waxa igu soo dhacay hadal uu inagu yiri Madaxweyne Gaas oo ahaa in dadka ku nool deegaanada Puntland ay aad uga dharagsanyihiin muhiimadda Dastuurka, kaftan uu inagu la kaftamay Madaxweyne Gaas ayaa ahaa “Hadee ogaada dadka reer Puntlad waa ay xifdisanyihiin Dastuurka”.

Dhanka kale, Madaxweyne Gaas Afur uu inoogu sameeyay Madaxtooyada Puntland ayuu ku ballanqaaday in uu si laxaad leh uga qaybqaadan doono Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib u eegista Dastuurka, Madaxweyne Gaas waxa uu ahaa Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadii ku guuleystay Geedi-socodkii diyaarinta iyo ansixinta Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee hada aanu ku dhaqanno, halka Wasiir Xoosh uu ahaa Wasiirkii uu Madaxweyne Gaas u xushay in uu hogaamiyo Geedi-socodkii lagu ansixiyay Dastuurka bishii Aug 1, 2012. Waxaa ii muuqday shaqsiyaad soo wadashaqeeyay – Madaxweyne Gaas iyo Wasiir Xoosh – oo nasiib u yeeshay in ay dhameeystiraan shaqo taariikhi ah oo ay soo bilaabeen oo aan u la jeedo dhameeystirka Dastuurka.

Baadiyaha Garoowe

Markii iigu horeeysay ayaan tagay baadiye oo aan weliba ku soo afuray, taa waxaa ila wadaaga Wasiir Xoosh oo isagana u ahayd markiisii ugu horeeysay ee uu tago baadiye.

Mahadcelin ballaaran ayaan u dirayaa Faduma Diiriye oo ah xubin kamid ah PUNSAA iyo dhamaan dadkii sida wanagsan inoogu soo dhaweeyay baadiyaha Garoowe oo afur wanaagsan inoo sameeyay.

Arinta kale ee aan la yaabay waxa ay ahayd in Garoowe ay leedahay beero waaweyn oo ay ka baxaan noocyada kala duwan ee khudaarta.

Mahadnaq

Waxa aan doonayaa inaan u mahadceliyo halkana aan ka xuso dadkii sharafta badnaa ee sida wanaagsan Garoowe ugu soo dhaweeyay wafdigii aan kamidka ahaa, dadkaas oo kala ah:

1- Cali Saciid Oog: Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Dawlad Goboleedka Puntland.

2- Cabdiraxmaan Filibiin: Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka ee Dawlad Goboleedka Puntland.

3- Faysal Axmed Warsame: Gudoomiyaha Dalladda ay ku midoobeen Ururada Daneeyayaasha aan Dawliga ahayn/Bulshada Rayidka oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano PUNSAA.

4- Faduma Diiriye: xubin ka tirsan PUNSAA.

5.Axmed Bashiir: Agaasime Waaxeed katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland.

Ugu dambeyn, booqashadii Garoowe waxa ay ii ahayd khibrad iyo aqoon kororsi, waxyaabihi aan ka soo faa’idayna waxaa kamid ahaa in aan soo bartay deegaano kamid ah dalkeenna iyo inaan isa soo baranay asxaab badan oo si wanaagsan igu soo dhaweeyay magaalada.

About The Author