Dowladda Qatar oo wax aan macquul aheyn ku tilmaamtay fulinta dalabkii Xulafada Sacuudiga

24 June 2017 (Puntlandes) Dowladda Qatar ayaa ganafka ku dhufatay dalab ka yimid Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga, kaasoo ahaa 13 qodob oo shuruud looga dhigay inay fuliso, hadii ay rabto in laga qaado xayiraada Diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale ee la saaray.

16

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa arrin aan macquul aheyn ku tilmaamtay dalabkaas oo ay ku jirtay in Albaabada la isugu dhifto Telefishinka afka dheer ee Al Jazeera.

Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo labo todobaad ka hor ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Qatar ayaa shuruud ku xirtay Qatar in 10 maalmood gudahood ku fuliso dalab ay u jeediyeen, hadii ay rabto in laga qaado xayiraada.

Shuruudaha lagu xiray waxaa ka mid ah, inay hoos u dhigaan xiriirka ay la leeyihiin Iiraan, in saldhigga Milateri ee Turkey ka siisay dalkeeda la xiro, in la joojiyo maalgelinta Ururada Argagixisada, in la xiro Telefishibka Al Jazeera iyo qodobo kale.

Puntlandes.com

About The Author