Daawo sawirrada Dhismaha Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Puntland ee Gaalkacyo oo xariga laga jaray maanta

24 June 2017 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa xariga laga jaray xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Puntland ay ku yeelanayso magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Dhismahan ayaa ah dhisme aad u wayn una qurux badan kaasoo aan laga hirgalin magaaladaas hada ka hor.

Waxaana Dhismahan xariga ka jaray wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Indhaguran, waxaana kasoo qaaybgalay xarig jarka masuualiyiin ka socota dowladda, Ganacsatada gobalka Mudug iyo marti sharaf ka socota bulshada qaybeheeda kala gadisa.

Xukuumadda madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mudadii ay jirtay waxay kusoo kordhisay Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug dawladnimo, waana markii ugu horaysay ee uu Gobolku dareemo dawladnimo intii ay jirtay dawladda Puntland.

Daawo sawirrada

1aa
1

1a1b

1c

2

3

3a

3aa

3b

3c

4

6

7

9

13

14

15

17
Puntlandes.com

About The Author