Daawo Video: Puntland oo sheegtay inaysan waxba ka ogayn xeerka isgaarsiinta DFS ansixisay uusana qusayn

 

27 June 2017 (Puntlandes) Wasiiru dowlaha Warfaafinta,Isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka Puntland Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) oo Saxaafada maanta kula hadlay Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay in dowladda Puntland qayb ka ahayn Xeerka Isgaarsiinta ee la mariyay golaha Wasiirada Federaalka maalintii khamiista ahayd ee la soo dhaafay 21-kii bishaan.

25

Wasiir Ashkir ayaa sheegay in tilaabadaas ay hareer marsantahay Distuurka JFS, dowladnimadana wax u dhimi karta.
Wasiirku wuxuu yiri ” sida ku cad Dastuurka Federaalka ah qodobkiisa 54-Aad Awoowdaha dowladda Federaalka ah waa: difaaca Qaranka,Jinsiyadda, Xiriirka dibadda, daabacidda lacagta wixii intaa ka soo hara sida Dastuurka Federaalka ahba uu qeexayo, way u madax bannaanyihiin dowlad goboleedyadu in ay aayahooda ka tashadaan,Xeerkaana waa mid loo baahnaa in Puntland laga war-galiyo”.

Daawo Video: Puntland oo sheegtay inaysan waxba ka ogayn xeerka isgaarsiinta DFS ansixisay uusana qusayn

Puntlandes.com

About The Author