Munaasabad lagu soo gunaanadayay Barnaamijka Tartan Aqoneedka Bishii Ramadaan ee Radio Gaalkacyo oo lagu qabtay Hoteel Sugulle.

Barnaamijka tartan aqooneedka Bishii Ramadaan ee Radio Gaalkacyo Puntland Soomaaliya oo ay u qabatay 12 Xaafadaha magaalada ah 2 deegaanada hosyimaada degmada iyo qaar kamida Kaamamka kuyaala duleedka degmada Gaalkacyo.

Barnaamijkaan ayaa waxa uu soo socday 30kii Habeen ee lagu gudo jiray bishii Ramadaan waxaana kaalinta koowaad gashay Xaaada Hormar laanta 2aad halka Israac laanta 5aadna ay gashay kaalinta labaad, Garsoor laanta 4aadna waxay iyana abaal marin kumuteysatay inta uu barnaamijka socday in ay muujisay akhlaaq wanaag, ilaalinta anshaxa iyo shuruudaha tartanka.
Hadaba Munaasabad abaalmarino lagu gudoonsiinayo guulaystayaasha , gudigii tartanka iyo wariyaashii soowaday barnaamijka ayaa waxaa lagu qabtay Hoteel Sugulle iyadoona ay kasoo qeybgaleen maamulka Degmada,Aqoonyahano, Culuma’udiin, Waxgarad,Masuuliyiinta Shirkada Golis, maamulka Radio Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ugu horeyn waxaa Munaasabada daah furay isla markaasna hadalo kooban oo kusaabsan tartankii soosocday Bishii Ramadaan iyo ujeedada laga lahaa sharaxay Agaasime kuxigeenka Radio Gaalkacyo Maxamed Cali Siyaad islamarkaasna waxa uu mahadcelin ujeediyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay habsami usocodkii tartankii Bishii Ramadaan ee Radio Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa Munaasabada kahadlay Maxamed Gaaciye oo ah madaxa Taaj ee Shirkada Golis isagoona sheegay in wax lagu farxo ay tahay in sanadkii 7aad ay Radio Gaalkacyo iyo shirkada Golis iska kaashanayaan barnamijka Tartanka ee bisha Ramadaan ee sanad kasta loo qabto Xaafadaha Magaalda Gaalkacyo.

Agaasimaha arimaha diinta ee dowlada Puntland Sh Xuseen Maxamed Cusmaan ayaa isna munaasabada kahadlay waxa uuna bogaadiyay cilmiga loo faa’ideynayo shacabka isagoona bogaadin usii jeediyay Radio Gaalkacyo iyo shirkada Golis.

Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Mudug Jacfar Yuusuf Cabdalla oo isna munaasabada kahadlay ayaa waxa uu si xoogan ooga hadlay shaqada ay Radio Gaalkacyo bulshada u ahayso marwalba isagoona shacabka iyo dowladaba ka codsaday in marwalba Radio Gaalakcyo lagarab istaago.

Faadumo Gaashaan oo kamida bahda Saxaafada gobolka Mudug ayaa sheegtay qabashada barnaamijyadaan oo kale in ay qeybwayn ka qaadanayaan sidii looyareyn lahaa dhalinta Tahriibaysa ee ku la’anaya badaha waxayna maamulka Radio Gaalkacyo iyo shaqaalaheeda ku bogaadisay shaqada ay bulshada uhayaan.

Ugu danbeyn waxaa munaasabada soo xiray duqa degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed Tumeey waxa uuna mahadcelin balaaran ujeediyay Radio Gaalkacyo iyo shirkada Golis isagoona soo jeediyay in tartamada noocaan oo kale ah lagu koobin bisha Ramadaan oo kaliya ee laga dhigo marwalbo kuwo laqabto.

Daawo Sawirro.

1 5 8 9 10 11 14 20 22 25 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47

About The Author